Waajibka waxbarasho – adigaaga aan haysan waxbarasho

Waajibka waxbarasho wuxuu khuseeyaa dadka qaarkood ee ku cusub Iswiidhan. Waajibka waxbarasho waa in adigu aad u baahantahay inaad waxbarato si aad u kordhiso fursadahaaga inaad hesho shaqo. Haddii ay ku khuseyso waajibka waxbarasho micnaheedu waa inay khasab tahay inaad waxbarasho ka codsato qaybta waxbarashada dadka waaweyn ama machadka dadka waaweyn.

Maxay tahay

Gudaha Iswiidhan waxaa loo baahanyahay waxbarasho si loo helo shaqooyinka badankooda. Waxbarasho la’aanta waxa weyn khatarteeda in qofku bilaa shaqo ahaado wakhti dheer.

Haddii adiga ay ku khuseyso waajibka waxbarasho waa inaad barataa:

  • sfi (af-Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga)
  • macluumaadka bulshada iyo
  • heerka dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare ee waxbarashada dadka waaweyn ama koorso guud dhanka machadka dadka waaweyn. Tusaalaha waxa aad akhriyi karto waa waxbarasho xirfadeed, xisaab ama koorso ku siinaysa aqoonta sida aad u isticmaalayso kombiyuutar iyo intarnatka.

Qofkee loogu talogalay
Waajibka waxbarasho waxay khuseysaa adigaaga:

  • ka qayb qaadanaya barnaamijka sal-dhigashada iyo
  • haysta waxbarasho kooban iyo
  • Xafiiska Shaqadu qiimeyso in aanad awoodin inaad hesho shaqo wakhtiga aad ku jirto barnaamijka sal-dhigashada taas oo ay sabab u tahay waxbarasho kooban.

Waxbarasho kooban micnaheedu waa in aanad dhamaysan waxbarasho dugsi sare. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa inaad bilowday laakiin aanad dhameyn dugsi sare dalkaagi hooyo. Ama aad dhigatay oo keliya dugsi hoose-dhexe, ama wax iskool ahba aanad soo dhigan.

Sidan ayay u shaqaysaa

Marka ay ku khuseyso waajibka waxbarasho waxaad heli doontaa hawl dhaq-dhaqaaq dhanka qorshahaaga. Hawshan dhaq-dhaqaaq waxaad arkaysaa marka aad gasho Mina sidor.

Sidan ayay hawsha dhaq-dhaqaaq u eegtay:

Aktivitet i Mina sidor

Hawshan dhaq-dhaqaaq waxay sheegaysaa inaad codsan waxbarashada dadka waaweyn ka codsan doonto degmadaada ama la xiriirayso machadka dadka waaweyn oo codsan doonto koorso lagu magacaabo koorsada guud. Hawshan dhaq-dhaqaaqa waa khasab. Adigu waa inaad waxbarashadan codsato ka hor taariikhda ku qoran xagga hoose dhankeda bidix.

Maxaa dhacaya haddii anigu aanan codsan waxbarasho ama aan ka habsaamo inaan codsado?

Haddii aad ka habsaanto inaad waxbarasho ka codsato waxbarashada dadka waaweyn ama koorso guud dhanka machadka dadka waaweyn waxaa lagu siin karaa digniin ama in wax laga jaro gunnadaada sal-dhigashada. Tani micnaheedu waa in gunnada aad ka hesho Qasnada Caymiska ay hooseynayso.

Samee warbixinta hawlaha

Bil kastaba waa inaad buuxisaa warbixinta hawlaha si anagu aanu u goaano sida wax kuugu socdaan. Gudaha warbixinta hawlahaaga waxaad ka helaysaa saddex hawlood oo ay tahay inaad ka jawabto.

Isku talaab ku dhig dhameystiray gudaha warbixinta hawlahaaga marka aad samaysay sida soo socota:

  • Waxbarasho ka codsaday waxbarashada dadka waaweyn ama machadka dadka waaweyn
  • Aniga waxaa la ii ogolaaday waxbarasho
  • Anigu waxaan bilaabay waxbarasho

Sidan ayay u eegtahay meesha aad isku talaabta saartay:

Kryss i aktivitetsrapporten

Haddii aanad lahayn aqoonsiga elaktarooniga ah

Haddii aanad haysan aqoonsiga elaktarooniga ah waxaad warbixintaada ku buuxinaysaa foom warqad ah. Waxaad foomkan ka helaysaa halkan:

Foomamka

Haddii aad warbixinta hawlaha ku soo gudbiso foomkan ama hadal ahaan waxaa lagaaga baahanyahay inaad Xafiiska Shaqada u soo bandhigto haddii aad codsatay waxbarasho, haddii laguu ogolaaday iyo taariikhda aad bilaabayso.

Sidan ayaad u samaysanaysaa aqoonsiga elaktarooniga ah

Kaalmo dhaqaale

Marka aad ka qayb qaadanayso barnaamijka sal-dhigashada waxaad gunnada sal-dhigashada ka codsanaysaa Qasnadda Caymiska.

Si taas la mid ah ayaa khuseysa marka aad leedahay waajibka waxbarasho. Markaasi waxbarasho ayaa kuu ah dhanka hawshaada barnaamijka sal-dhigashada oo waxaad sii wadanaysaa inaad gunnada sal-dhigashada ka codsato Qasnadda Caymiska.

Gunooyinka marka aad ka qayb qaadanayso barnaamijka sal-dhigashada

Nala soo xiriir

Haddii aanad hubin waxa aad samaynayso waxaad naga soo wacdaa 0771-416 416.

Haddii aad ka tirsantahay barnaamijka sal-dhigashada una baahantahay macluumaad luqad kale oo aan ahayn af-Iswiidhish waxaad wacaysaa 0771-860 100.

Daawo filimo oo dhageyso idaacadaha ku saabsan waajibka waxbarasho

Filim: Waxbarasho waa muhiim!

Af-Iswiidhish

Af-carabi

Af-Ingiriisi

Af-faarsi

Filim: Waa maxay waajibka waxbarasho?

Af-Iswiidhish

Af-Carabi

Af-Ingiriisi

Af-Faarsi

Idaacadda Ku cusub Iswiidhan

Idaacadan Ku cusub Iswiidhan waxaad ka dhageysan kartaa qaybta ku saabsan waajibka waxbrasho.

Idaacadda Ku cusub Iswiidhan