Särskild stödperson för introduktions- och uppföljningsstöd – SIUS

Haddii aad naafo tihid waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad marka aad shaqo raadineysid ama marka aad goob shaqo ku cusubtihid. Qof taageero kuu ah ayaa kaa caawinaya hawlaha shaqada iyo wixii kale ee loo baahanyahay si aad shaqo u heshid.

Waa maxay

Taageeradu waa mid qof kasta u gooni ah, waxaan la siinayaa qof taageero ah oo ku xeel dheer habka isbaridda, waxa loogu yeero SIUS. Qofka taageerada ah waxaa laguugu soo xirayaa marka aad shaqo raadineysid, wuxuuna tusaale ahaan kaa caawin karyaa in aad xiriir la sameysid shaqabixiyayaal kala duduwan. Waxaad sidoo kale shaqo heli kartaa haddii aad shaqo heshid ama tababar shaqo si aad u baratid goobta shaqada. Qofka taageerada ah wuxuu kaa caawinayaa isbarashada goobta shaqada, wuxuuna mas’uul ka yahay in aad heshid taageeradi aad ku wada heshiiseen. Waxay taasi mararka qaarkood ka dhignaan kartaa in qofka taageerada ah uu intii waqti ah kaa dhinac shaqeynayo. Taageerada si tartiib-tartiib ah ayaa hoos loogu dhigayaa, gebi ahaanna waa la goynayaa marka aad si madax bannaan hawlahaaga shaqo u qabsatid.

Taageeradu waxay ka koobantahay laba qeybood:

  • Taageero isbarid, oo aad heli kartid ugu badnaan 6 bilood.
  • Taageero dib u eegis, oo aad heli kartid ugu yaraan 1 sano ka dib marka aad shaqadaada billawdid.

Yaa loogu tala galay

Qof taageero oo gaar ah oo loogu tala galay taageero isbarid- iyo dib u eegis waxaa loogu tala galay adigaaga qaba naafanimada, taageerana ugu bahaan xagga shaqada. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waa annaga cidda qiimeyneysa in qofka gaarka ah ee taageerada ah ee loogu tala galay taageerada isbaridda- iyo dib u eegistu uu yahay mid habboon.
  • Waxaan eegeynaa hawlaha shaqo ee ay wuxu ku saabsanyihiin iyo taageerada loo baahnaan karo tan ay tahay. Waxaan dabadeed qaabka ay wax u dhacayaan kaala gaareynaa heshiis.
  • Waxaan hubineynaa in aad la xiriirtid qof la taliye xagga bulshada ah SIUS iyo in markaas ka bacdi ay wada shaqeyntu billaaban karto.
  • Waxaannu si wadajir ah heshiis ula gaareynaa adiga, shaqabixiyaha iyo qof taageero ah. Waxaa heshiiskaas ku jiraya qaabka aan u dhigeyno isbaridda iyo ilaa inta uu baaxad ahaan ahaanayo.

Taageero dhaqaale

Inta shaqaaleysiinta ka hor lagu jiro waqtiga isbaridda waxaad heleysaa isla lacagti aad qaadan jirtay marki aad shaqadoonka ahayd.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah