Extratjänst
Marka aad caawimaad uga baahan tahay in aad soo gashid suuqa shaqada. Waxaad isla markaas awood shaqo oo dheeraad ah u noqoneysaa shirkadaha ka shaqeeya dhinacyada barwaaqo sooridda, xafiisyada dowladda, fanka ama ururrada mutudawaca ah.
Waa maxay
Shaqo dheeraad ah waa shaqo aad ka shaqeyneyso shirkadaha ka shaqeeya dhinacyada barwaaqo sooridda, xafiisyada dowladda, fanka ama ururrada mutudawaca ah. Waxaad fursad u heleysaa in aad soo gashid suuqa shaqada qofka ku shaqaaleyn´siinayana waxaa la siinayaa lacag qeyb ka noqoneysa mushaarkaaga.
Shaqo dheeraad ah waxey noqon kartaa mid sii soconeysa ama mid waqti cayiman ku eg. waxaa kaloo heli kartaa shaqo dheeraad ah oo hal gelin ah.
Yaa loogu tala galay
Shaqo dheeraad ah waxaa loogu tala galay haddii aad aheyd qof shaqo la’aan ahaa muddo dheer, ama aad tahay qof waddanka Iswiidhan ku cusub. Waxaad shardi ah in aad noogu diiwaan gashantahay inaad tahay shaqo la’aan. Waxaad kaloo u baahantahay in aad soo buuxso qaar ka mid ah waxyaabahaan soo socdo.
- Waxaad ka qeyb qaadataa barnaamijka damaanad qaadka shaqada iyo horumarka isla markaana aad soo dhameysatay 450 maalmood.
- Waddanka ayaad ku cusubtahay, waxaad buuxisay 20 sano waxaan ka qeyb qaadataa barnaamijka taabbogelinta ama inaad ka qeyb qaadatay 12 bilood e ugu dambeeyay.
- Waddanka ayaad ku cusubtahay, waxaad buuxisay 20 sano waxaana kuu socdo barnaamij qorshe taabbogelin 12 bilood ee ugu dambeeyay.
- Waddanka ayaad ku cusubtahay waxaad heshay deganaashaha waddanka ama kaarka deganaashaha waddanka ka xubin qoys ahaan quseysa muwaadiniinta waddamada midowga yurub 36 bilood ee ugu dambeeyay.
Sidaan ayey u shaqeysaa
- Annaga ayaa qiimeyneyna haddii ey goob shaqo munaasab kuu tahay iyo howlaha munaasabka kugu ah.
- Waxaan la galeynaa heshiis qoraal ah adiga iyo shaqa bixiyaha waxaana la talo wadaageynaa ururka xuquuqda shaqaalaha. Heshiiska waxaa ku xusan shaqooyinka aad sameynesid iyo teegeerid iyo gacan qabashada aad u baahan tahay.
- Shaqa bixiyaha ayaa ka masuula inaad la qabsato shaqadaada cusub iyo in aad hesho gacan qabashada aad u baahantahay.
Mushaaar
Waxaad xaq u leedahay mushaar iyo faa’idooyin kale shaqada la xiriira kuwaas oo u dhigma heshiis wadareedyada ururrada xuquuqda shaqaalaha ee baranjiga aad ka shaqeyso. Waxey taas ka dhigantahay in uu shaqa bixiyaha ku geliyo ceymisyo. Laakiin shaqo dheeraad ah xaq kuuma siineyso in ey Qasnadda shaqo la’aanka lacag ku siiso haddii aad shaqo laawe noqotid shaqadaada ka dib.
Ilaalinta iyo dhowridda shaqada
Sharciga ilaalinta iyo dhowrista shaqada, ma quseeyo shaqo dheeraad ah.
Så här tar du nästa steg
Kontakta oss
Förbered dig så att du kan motivera varför stödet kan öka dina möjligheter till jobb.
Bedömning
Tillsammans kartlägger vi din situation. En arbetsförmedlare bedömer om stödet är ett bra sätt att öka dina möjligheter till jobb.
Beslut
Vilket stöd vi kan erbjuda dig beror på hur just din situation ser ut. Vem som har rätt till ett stöd regleras ytterst av regeringen.