Marka aad xanuusato

Haddii aad xanuusato ama daryeelayso ilmo waxaad u baahan kartaa inaad wargeliso Xafiiska Shaqada. Nooca xaaladaha aad ku khasbantahay inaad tani samayso waxay ku xirantahay nooca gunnada aad qaadato. Haddii aad adigu tusaale ahaan ka qayb-qaadato mid ka mid ah barnaamijyadayada waa khasab inaad markastaba aad anaga na soo wargelisaa inaad xanuusanayso.

Marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamij

Haddii aanad ka qayb-qaadan karin hawlahaaga qorshaysan waa khasab inaad anaga na soo wargeliso isla maalinta ugu horeysa ee xanuunka. Haddii aanad sidan samayn markaasi ma helaysid wax gunno ah xilliga wakhtiga aad xanuusanayso. Haddii aad xanuusanayso in ka badan toddoba maalmood waxaa lagaaga baahanyahay inaad Xafiiska Shaqada u dhiibto caddayn dhakhtar si aad u haysato gunnadaada.

Adigu waxaad u baahantahay inaad xitaa anaga na soo wargeliso haddii aad guriga u joogtid si aad u daryeesho ilmo xanuusanaya. Wargelinta xanuunka iyo fariinta daryeelka ilmaha waxaad sida ugu fudud ugu samayn kartaa dhanka bogayaga intarnatka.

Miyaad ka qayb-qaadataa barnaamij?

Adigaaga qaata gunno ah nooca taageerada hawlaha, gunada horumarka ama gunada la qabsashada waxaad ku jirtaa barnaamij.

Waa kuwan barnaamijyadayadu:

  • waxbarashada suuqa shaqada
  • qiimeynta xirfad
  • tababarka goob shaqo
  • taageerada dhinaca bilaabida hawl ganacsi
  • hawlaha diyaarinta
  • mashruuc dhanka jihada suuqa shaqada
  • damaanad qaadka shaqada iyo horumarka
  • damaana qaadka shaqada ee dhalinyarada
  • barnaamijka la qabsashada.

Marka aad qaadato ama aad gunno ka codsanayso qasnada shaqo la’aanta

Haddii aad kulan anaga nala leedahay waa inaad baddashaa wakhtiga balantan. Tani waxaad sida ugu fudud ugu samaynaysaa dhanka xiriirka qoraalka, kaas oo aad ka helayso halka ka hoosaysa Kontakta oss. Anaga ayaa wargelinayna qasnadaada caymiska inaad xanuusanayso ama aad daryeelayso ilmo. Waa muhiim inaad nala soo xiriirto maalinta ugu horeysa ee adiga ama ilmahaagu aad caafimaadaan.

Haddii adiga ama ilmahaagu aad xanuusanaysaan wakhti kooban waxaa kugu filan inaad maqnaanshaha xanuunka ama daryeelka ilmaha ku buuxiso warbixinta wakhtiga marka aad gunno ka codsanayso qasnadaada shaqo la’aanta.

Haddii adiga ama ilmahaagu aad xanuusanaysaan in ka badan laba toddobaad waa inaad anaga nala soo xiriirta. Tani waxaad sida ugu fudud uga samayn kartaa xiriirka qoraalka, kaas oo aad ka heayso halka ka hoosaysa Kontakta oss. Anaga ayaa wargelinayna qasnadaada caymiska inaad xanuusanayso ama aad daryeelayso ilmo. Waa muhiim inaad nala soo xiriirto maalinta ugu horeysa ee adiga ama ilmahaagu aad caafimaadaan.

Marka aad xanuusanayso ama daryeelayso ilmo xanuusanaya markaas xaq ma u lihid gunnada shaqo la’aanta. Si loo codsado tusaale ahaan gunnada bukaanka ama gunnada waalidka ee ku meel-gaarka ah wakhtiga aad maqantahay waxaad u baahantahay inaad la xiriirto Qasnadda Ceymiska.

Marka aanad wax gunno ah ka helin qasnada shaqo la’aanta ama Qasnada Caymiska

Haddii aad kulan anaga nala leedahay waa inaad baddashaa wakhtiga balantan. Tani waxaad sida ugu fudud ugu samaynaysaa dhanka xiriirka qoraalka, kaas oo aad ka helayso halka ka hoosaysa Kontakta oss.