Marka aad soo dirayso caddaynta saldhigga u ah naafonimadaada ama caafimaaddarradaada

Xafiiska Shaqadu (Arbetsförmedlingen) wuxuu mararka qaarkood u baahan karaa caddayn muujinaysa in aad qabto naafanimo ama caafimaaddarro. Waxay naga caawinayaan in aannu fahanno xaalkaaga iyo waxa saamayn kugu yeelanaya marka aad shaqaynayso ama aad raadinayso shaqo. Waxa kale oo ay na siinaysaa fursado wanaagsan oo aannu kugu siin karno taageero sax ah.

Sidaa darteed waxaannu u baannahay caddaymahaaga

Si aannu kuu siin karno taageeri sax ah, waxaannu u baahannahay muuqaal dhammaystiran oo ku saabsan xaaladdaada. Waraysi aannu kula yeelanayno ayaannu ku ogaanaynaa waxa aad ku fiican tahay iyo waxyaalaha kugu adkaan kara shaqada dhexdeeda ama marka aad shaqo raadinayso. Gundhigga caddaymahaagu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qiimaynta guud ee aynu wada samaynayno. Sidoo kale waxay naga caawinayaan in aannu go’aan ka gaadhno taageerada aad u baahan tahay ee aad naga heli karto.

Taageerada aad heli karto marka aad qabto laxaad kala dhantaalan iyo caafimaaddarro

Tusaalaha caddaymaha gundhigga ah

Waxa aad tusaale ahaan noo soo dirir kartaa:

  • Caddayn dhakhtar ama qiimayn dhakhtar
  • Koobiga warbixinta caafimaadka
  • Baaritaannada caafimaadka nafsiga ah
  • Qaybo ka mid ah warbixinahaaga xagga jirrooyinka
  • Go’aanka Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) ee qusaysa gunnada naafanimada
  • Caddaynta iskuullada khaaska ah ama loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Gundhigga caddaymuhu wuxuu sharraxayaan sida naafannimadaadu ama xanuunkaagu kuu saamaynayo. Tusaale ahaan waxay ku saabsanaan karaan xasuusta oo xumaata, wax u fiirsashada oo adkaata ama xanuun-dareemid. Sidoo kale waa:

  • Magacaaga iyo lambarkaaga shakhsiga ah
  • Magaca iyo heerka qofka qoray dhukumentiga. Haddii caddayntu ka timid hay’ad dawladeed, waxaa ku filan in la qoro magaca hay’adda.
  • Taariikhda la qoray dhukumentiga.

Adiga ayaa caddaymo ka codsan kara xaruntii caafimaad ee ku caawisay. Sidoo kale, caddaymo dhakhtar oo dhijitaal ah waxaad ka heli kartaa 1177.se. Go’aanka Qasnadda caymiska waxaad ka helaysaa marka aad gasho barta aad ku leedahay boggooda. Haddii aad soo dhigatay iskuullada baahiyaha gaar ah, waxaad la xidhiidhi kartaa iskuulka si aad u hesho caddayn.

Soo dir caddaymaha

Soo dir caddaymaha haddii adiga iyo gacan hagayahaaga Xafiiska Shaqadu aad ku heshiiseen. Waxaad ku soo diri kartaa boosta ama gee xafiis adeeg oo ku yaalla xarunta adeegga dawladda (Statens servicecenter).

Hel xafiis adeeg (statenssc.se)

Marka aannu helno caddaymahaaga waannu iskaan-garaynaynaa annaga oo kaydsanayna. Waa gacanhagayaaga ka shaqeeya arrintaada oo keli ah cidda arki karta. Weligood looma gudbinaayo shaqabixiyaha.