Digniin ama ka joojinta gunnada lacagta ee laga helo Qasnadda Caymiska
Haddii aad tusaale ahaan si fir-fircoon u raadin waydo shaqo ama aad iska dhaafto inaad samayso wargelinta hawlahaaga, waxaad heli kartaa digniin. Haddii taasi dhacdo dhowr mar waxaa lagaa joojin karaa gunnada lacagta ee aad hesho Qasnadda Caymiska hal ama dhowr maalmood.
Maxaad samayneysaa haddii aad heshid digniin ama go'aan ku saabsan in lagaa xiray lacagta la qaato?
Marka hore waxaad naga heleysaa warqad aan kugula soo xiriireyno oo uu mararka qaarkood xitaa la socdo go’aan hordhac ah. Inta aanan gaarin go’aanka kama dambaysta ah waxaa fursad lagu siinayaa inaad soo gudbiso ra’yigaaga. Waxaad adeegsan kartaa foomka jawaabaha ee barta intarneetka, waad soo wici kartaa ama waxaad soo diri kartaa foomka ”Ka jawaab warqadda laguugula soo xiriiray go’aanka ciqaabta ama digniinta ka hor” ee aad warqadda la heleysid.
Wixii aragti ah ku soo gudbi foomka su’aalaha
Haddii aadan ku qanacsaneyn go’aanka kama dambaysta ah waxaad codsan kartaa inaan dib uga fiirsanno. Markaas waxaad buuxineysaa foomka ”Codsi dib-uga-fiirsashada go’aanka digniinta ama ciqaabta”, waadna noo soo direysaa.
Codsiga dib uga fiirsashada go’aanka
Haddii aad dayacdo shaqo raadintaada
Haddii aadan raacin qorshihii aan ku heshiinnay waxaad markaas waxaad dayacdday shaqo raadintaadi.
Haddii aad dheereysto waqtiga shaqo la’aanta
Haddii aad diido shaqo, tababarka goob shaqo ama barnaamij kale ama dadaal, waxaad dheeraynaysaa wakhtigaaga shaqo la'aanta.
Haddii adigu aad sabab u tahay shaqo la'aantaada
Haddii aad iskaa uga tagto shaqo waa adiga laf ahaantaada qofka sababay shaqo la'aantaada.
Haddii aad si ula kac ah u soo gudbiso warbixino qalad ah
Qasnada Caymiska waxay go’aan ku gaari kartaa inay lacagta kaa joojiso muddo dheer. Taasi waxay dhacaysaa haddii aad si ula kac ama taxadar la’aan ah Qasnada Caymiska ugu soo gudbiso warbixino qaldan ama been ah si aad u hesho lacag aadan xaq u lahayn.