Shuruudaha gunnadaada ee barnaamijka

Marka aad ka qaybqaadaneysid barnaamij, aadna hesho taageerada dhaqdhaqaaqa, gunno horumarin- ama saldhigasho, waxaa muhiim ah inaad tusaale ahaan sii waddo shaqo raadinta, aadna bil kasta noo soo gudbiso warbixinta dhaqdhaqaaqa. Haddii kale waxaa lagu siin karaa digniin. Haddii ay taasi dhowr jeer dhacdo, waxaa laga yaabaa inaadan wax gunno ah helin maalin ama dhowr maalmood. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dhammaan shuruudaha gunnadaada.

Maxaan u baahanahay inaan sameeyo?

Si aanad khatar ugu gelin in aad noqotid gunno la'aan waxaad u baahantahay inaad ka adkaato shaqo raadintaada, aadna raacdo qorshaha iyo heshiisyada aad nala leedahay. Haddii aad taageero ka hesho mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna waxaad xitaa u baahantahay inaad raacdo qorshaha iyo heshiisyada aad la leedahay gacanhayahaaga halkaas.

Waxay taasi ka dhigantahay inaad u baahantahay

  • si firfircooni leh u raadso shaqo (haddii aanay wax kale ku qornayn qorshe hawleedkaaga), tusaale ahaan, shaqooyinka la soo xayeysiiyey ama shaqooyinka uu kugula taliyey Xafiiska Shaqadu (Arbetsförmedlingen) ama gacanhayehaagu, ama shaqo bixiyaha u dirso danayntaada shaqo ama cv-gaaga
  • in aad raadsatid shaqooyinka ama waxbarashada aannu kaa dalbannay inaad codsato
  • in aad inta u dhaxaysa 1-da 14-ka bil walba noo soo gudbiso warbixinta dhaqdhaqaaqa halkaas oo aad buuxineysid dhammaan shaqooyinkii aad codsatay iyo waxyaabihii kale ee aad qabatay.
  • inaad si wadajir ah noola sameyso qorshe-hawleed ku aaddan sida aad shaqo ku heli kartid
  • in aad ka qeyb qaadatid hawlaha barnaamijkaaga ku jira
  • in aad ka qayb qaadatid kulammada ama nala soo xiriirtid annaga iyo qandaraaslayaasheenna waqtiyada aad ballanta leedahay iyo in aad taleefanka ka jawaabtid marka aan ku heshiinno in aan ku soo wacno.

Si aadna u dheereyn shaqo la'aantaada, khatarna ugu gelin in aad gunno la’aan noqoto, waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad oggolaato

  • shaqadii laguu soo bandhigo
  • waxbarashada aad heshid ee aannu kaa codsannay inaad dalbato
  • wareysiyada shaqo, aadna aad ugu dadaasho sidii aad ku heli lahayd in shaqo laguu soo bandhigo
  • hawlaha aannu annaga ama qandaraaslayaasheennu kuugu soo bandhigno barnaamijkaaga gudihiisa.

Waxaad u baahantahay inaad na soo ogeysiisid haddii aad xanuunsato ama aad daryeeleyso ilmo xanuunsan oo aanad awoodin inaad ka qayb qaadato barnaamijkaaga. Haddii aad fasax u baahantahay, waa in aad marka hore annaga naga heshaa oggolaasho.

Haddii aad xanuunsato

Haddii aad daryeeleyso ilmo xanuunsan

Waddanka dibaddiisa in la joogo

Inta uu barnaamijku socdo, joogtaan waddanka dibaddiisa ah oo uusan Xafiiska shaqadu oggolaannin wuxuu keeni karaa in aad lumiso booskaaga barnaamijka. Waxaad sidoo kale lumineysaa gunnadaada iyo hawlaha barnaamijka ku jira.

Maxaa dhacaya haddii aanan samayn karin, waxa ay tahay in aan sameeyo?

Xafiiska Shaqadu wuxuu hubinayaa inaad buuxisay shuruudaha gunnada ee barnaamijka, wuxuuna go'aan ka gaarayaa in lagu siiyo digniin ama inaad gunno la’aan noqotid hal maalin ama in ka badan, haddii aad si xun u maamusho shaqo raadintaada ama aad dheereysid shaqo la'aantaada.

Haddii aadan buuxin shuruudaha oo lagaa xiro gunnada waxay taasi xitaa ka dhignaan kartaa inaadan xaq u yeelan doonin lacagta bukaanka ee dakhliga ku saleysan (SGI). SGI-gaagu wuxuu aasaas u yahay inta lacag ah ee aad qaadaneyso haddii aad tusaale ahaan fasax waalid gasho. La xiriir Qasnadda ceymiska haddii aad taas su’aalo ka qabto.

Haddi annagu Xafiiska Shaqada ahaan, aannu baaritaan bilawno waxaannu kugula soo xiriireynaa warqad, si aad fursad ugu hesho inaad na siiso macluumaad dhameystir ah, ka hor inta aannaan gaarin go'aankeenna kama dambeysta ah.

Soo gudbi macluumaad dhameystir ah

  • Marka ugu horreysa: waxaad heleysaa digniin.
  • Marka labaad: 1 maalin oo gunno la'aan ah.
  • Marka saddexaad: 5 maalin oo gunno la’aan ah.
  • Marka afaraad: 10 maalmood oo gunno la’aan ah.
  • Marka shanaad iyo mararka ka dambeeya: 45 maalin oo gunno la’aan ah. Haddii ay gunnadaadu ku saleysan tahay lacagta shaqola'aanta, waxaa hoos loo dhigayaa ilaa iyo 223 koroon maalintiiba wixi ka dambeeyay 45-kaas maalmood.

  • Markii ugu horraysa: 5 maalin oo gunno la’aan ah.
  • Marka labaad: 10 maalmood oo gunno la’aan ah.
  • Marka saddexaad: 45 maalin oo gunno la’aan ah.
  • Marka afaraad iyo mararka ka dambeeya: 45 maalin oo gunno la’aan ah. Haddii ay gunnadaadu ku saleysan tahay lacagta shaqola'aanta, waxaa hoos loo dhigayaa ilaa iyo 223 koroon maalintiiba wixi ka dambeeyay 45-kaas maalmood.

Maxaan samayn karaa haddii aanan ku qanacsaneyn go'aanka?

Haddii aad heshay go'aan kama dambeys ah oo aadna ku qanacsaneyn, waxaad codsan kartaa inaan dib u eegno go'aanka. Haddii ay sidaas tahay, buuxi foomka "Codsiga dib-u-eegista go'aanka digniinta ama xayiraadda" (Begäran om omprövning av beslut om varning eller sanktion) oo noo soo dir.

Codso in dib u eegis lagu sameeyo go'aanka

Su'aalo iyo jawaabo caadi ah

Ma noqon karaa gunno la'aan haddii aan daaho ama aan goor hore ka tago hawsha wax qabadka?

Gacanayarahaagu mar walba wuu noo soo sheegayaa haddii aad daahdo ama aad baxdo iyadoon waqtigu dhamaannin, iyadoon taas loo eegayn sababta maqnaanshada. Waxaan eegeynaa sababta iyo muhiimadda ay maqnaanshadaadu u leedahay fursadahaaga aad ku gaari lahayd ujeeddada hawsha maalintaas. Haddii aannu u aragno in aad dhaqan-xumo sameysay, waxaad heli kartaa digniin ama gunno la’aan ayaad noqon kartaa maalin ama maalmo badan.

Haddii aan u baahanahay inaan hawsheyda ka tago si aan dhakhtar u booqdo, yaan ogeysiinayaa?

Haddii aad fasax u baahantahay, waa in aad marka hore annaga naga heshaa oggolaasho. Tani xitaa wey khuseysaa maqnaansho gaaban, tusaale ahaan haddii aad ballan la yeelatay dhakhtar ama dhakhtarka ilkaha. Xafiiska Shaqada oo keliya ayaa fasax ku siin kara, maaha gacanhayahaaga u shaqeeya qandaraaslaha. Gacanhayahaaga xitaa u sheeg si uu u ogaado inaadan imanayn wakhtigaas.

Maxaa dhacaya haddii aanan shaqa-guri u soo gudbin gacanhayaheyga waqtigii loogu talagalay?

Haddii aadan shaqa-guri, waqtigeeda ugu soo gudbin, wuu nagu soo wargelinayaa gacanhayahaagu. Haddii aan u aragno inaad dhaqan-xumo sameysay, waxaa laga yaabaa inaad hesho digniin ama aad gunno la’aan noqotid maalin ama maalmo badan.

Waxaan taageero ka helaa mid ka mid qandaraaslayaasha Xafiiska Shaqada, ma u baahanahay inaan isla mar ahaantaas xiriir la lahaado Xafiiska Shaqada?

Xafiiska shaqada ayaa ka mas'uul ah qorshaha guud ee lagula yeelanayo iyo dabagalka sida ay wax kuugu socdaan. Waannu ku ballansan karnaa inta aad la joogto qandaraaslaha, waxaadna u baahantahay in aad kulanka ka soo qeybgasho.

Waa inaad sii waddaa inaad bil kasta noo soo gudbiso warbixinta dhaqdhaqaaqa. Tani xitaa wey ku khuseysaa haddii aad qandaraasle uga warbixiso shaqooyinka aad codsato.

Haddii aad xanuunsato ama aad u baahato inaad guriga joogtid si aad u daryeesho carruur bukta, waxaa muhiim ah inaad la xiriirto Xafiiska shaqada maalinta ugu horeysaba. Xitaa gacanhayahaaga wargeli.

Haddii aad xanuunsato

Haddii aad daryeeleyso ilmo xanuunsan

Waa inaad sidoo kale la xiriirtaa Xafiiska Shaqada, haddii aad shaqo hesho ama aad waxbarasho bilowdo oo aadan sidaas darteed u baahnayn inaad ku sii jirtid barnaamijkaaga, ama haddii sabab kale awgeed aadan rabin ama awoodin inaad sii wadato barnaamijka.

Yaan la xiriiri karaa haddii aan su'aalo ka qabo gunnadayda barnaamijka?

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan shuruudaha iyo waxa aad u baahantahay inaad samayso si aadan gunnadaada u lumin, waa inaad la xiriirtaa Xafiiska shaqada.

Nala soo xiriir

Ma heshay warqad sheegeysa in baaris lagu wado gunnadaada oo su'aalo ma qabtaa? Ama ma is weydiineysaa sababta aad u heshay go'aanka digniinta ama joojinta? La xiriir qeybta dib u eegista gunnooyinka ee xafiiska shaqada. Macluumaadka xiriirku waxay ku yaallaan warqadda.

Haddii su'aalahaagu khuseeyaan lacag-bixinta, heerka gunnada ama sida aad u buuxineyso foomka codsigaaga gunnada, waa inaad la xiriirtaa Qasnadda ceymiska.

Haddii aad ka qeybqaadanayso barnaamij (barta Qasnadda ceymiska) (forsakringskassan.se)

Immisa shaqo ayey tahay in aan dalbado?

Inta shaqo ee ay tahay in aad dalbato marka aad ka qayqaadanayso barnaamij, waxay ku xidhan tahay barnaamijka aad ka tirsan tahay. Qorshe hawleedkaaga waxaa ku qornaan kara inta shaqo ee habboon in aad dalbato si aad fursad wanaagsan ugu yeelato in aad shaqo u hesho dhakhso, tusaale ahaan 6-20 shaqo. Lambarka hoose wuxuu muujinayaa inta shaqo ee ugu yaraan ay tahay in aad dalbato bil kasta si aannu kuugu qiimayno in aad si firfircoon u dalbatay shaqooyin habboon.

Xafiiska Shaqadu (Arbetsförmedlingen) wuxuu mararka qaarkood go’aamin karaa in aanad u baahnayn in aad shaqo dalbato marka aad ku jirto barnaamijka. Markaa waa in ay taasi ku qornaato qorshe hawleedkaaga.

Haddii aanad hubin waxaa lagaa rabo, waxaad weydiin kartaa Xafiiska Shaqada.

Hubso in shaqooyinka aad dalbatay oo dhan aad ku buuxbuuxiso warbixinta hawlqabadkaaga (aktivitetsrapport): shaqooyinka la xayeysiiyey, dalbashada shaqooyinka kediska ah ama shaqooyin aannu kugu dhiirrigelinnay ama kugula talinnay. Warbixinta hawlqabadkaagu waa saldhig muhiim ah, si aannu u qiimayn karno in aad shaqooyinka u dalbatay si firfircoon.

Maxaa ku dhacaya gunnadayda haddii aanan dalban shaqooyin badan?

Haddii aad dalbato shaqooyin ka yar lambarka hoose ee qorshe hawleedkaaga, waxaad lagu siin kartaa digniin ama in aad bilaa gunno noqoto maalin ama dhawr maalmood. Inta aannaan go’aan kama dambays ah ka gaarin gunnadaada, waannu kula soo xiriiraynaa si aad fursad ugu hesho in aad warbixin dheeraad ah oo dhammaystir ah noo soo dirto.

Haddii ay ku qoran tahay qorshe hawleedkaaga in aanad u baahnayn in aad dalbato shaqo, taas ayaa ku qusanaysa.

Koontaroolidda shaqooyinka la codsaday

Waxaan mararka qaarkood sameynaa koontarool, si aan u hubinno inaad codsatay shaqooyinka aad ku soo bandhigtay warbixintaada dhaqdhaqaaqa. Sidaa darteed waa muhiim inaad kaydsato dukumeenti muujin kara inaad codsatay shaqooyinka.

Ku saabsan xaqiijinta shaqooyin la codsaday