Marka sharciga degganaanshaha lagu siiyo

Haddii dhowaan sharci degganaansho lagugu siiyey qaxootinimo, magangelyo ama qaraabo ahaan, waxaad fursad u heleysaa inaad ka qaybgasho barnaamij meeleyn.

Waxa bogga ku jira

Inaad booqato Xafiiska shaqada

Waxaa muhiim ah inaad sida ugu suurtagalka ah noogu timaaddo kaddib marka aad heshay go’aanka sharciga degganaanshaha. Waxaan markaas go’aamineynnaa haddii aad ka qaybqaadan karto barnaamijka meeleynta. Ha illaawin inaad soo qaadato warqadda go’aanka aad ka heshay Hay’adda Socdaalka. Markaas kaddib ayaa lagu siin karaa lacagta meeleynta oo aad uga qaybqaadan kartaa hawlo lagu gaarayo shaqo ama waxbarasho.

Tag xafiiskaaga shaqada (svenska)

Inaad samaysato lambarka aqoonsiga

La xiriir Hay’adda canshuuraha si laguugu sameeyo lambar aqoonsi. Lambarka aqoonsigu wuxuu muhiim u yahay:

  • in ay Försäkringskassan kuu siiso lacagta meeleynta
  • inaad bangi ka furato koonto
  • inaad dalbato kaarka aqoonsiga
  • inaad samaysato aqoonsi elektarooni ah
  • inaad ka qaybqaadato hawlaha barnaamijka meeleynta.

Hay’adda canshuuraha (skatteverket.se)

Isu sii diyaari kulanka aad la yeelanayso Xafiiska Shaqada

Waxaad kulanka u soo qaadaneysaa warqadda go’aanka sharciga degganaanshaha ee aad ka heshay Hay’adda socdaalka. Waxaad u baahantahay inaad soo qaadato wax caddaynaya aqoonsigaaga. Haddii aad heshay lambarka shakhsiga ah waa inaad soo qaadato kaar aqoonsi. Soo qaado xitaa shahaadooyinka iyo caddaymaha shaqooyinkaagii ama waxbarashooyinkaagii hore. Wixii su’aalo ahna sii qoro.

Maxaa kulanka looga hadlayaa?

Marka aan kulanno waxaad nooga sheekeyneysaa shaqooyinkii aad horay u qabatay, waxbarashooyinkii aad soo dhigatay, waxa aad xiiseyso iyo waxa aad jeceshahay inaad mustaqbalka ku shaqayso. Waxaan kaloo ka wadahadli doonnaa sida ay yihiin fursadaha aad uga qaybqaadaneyso hawlaha barnaamijka meeleynta iyadoo la tixgelinayo xaaladdaada qoyska iyo caafimaad. Iyadoo taas lagu salaynayo ayaan isla dejin doonnaa qorshe dhaqdhaqaaqyo kala duwan.

Qofka aan ahayn, magangelyadoon ama qaraabo

Haddii aadan ahayn qaxooti ama magangelyadoon ama qof qaraabo la ah qof dadkaas ka mid ah waxaan kugu soo dhoweyneynnaa inaad nala soo xiriirto. Waxaan adeeg siinnaa dhammaan dadka sharci ahaan uga shaqayn kara Iswiidhen. Tusaale ahaan waxaad lagaa caawinayaa inaad:

  • hesho shaqooyinka bannaa
  • bilowdo barashada afka iswiidhishka
  • hesho waxbarasho kugu habboon
  • xirfad tijaabiso si aad u muujiso aqoontaada
  • wax ka ogaato sida ay tahay in Iswiidhen laga shaqeeyo oo lagu noolaado.
  • hesho talooyin ku saabsan meelaha dalka oo ay ka jiraan fursad shaqo.