Damaanada shaqada iyo horumarinta
Damaanada shaqada iyo horumarinta waa barnaamij loogu talogalay adigaaga ahaa bilaa shaqo wakhti dheer una baahan caawimaada in dib loogu noqdo nolosha shaqo. Waxaanu ku siinaynaa taageero si loo joojiyo shaqo la'aantaada.
Damaanada shaqada iyo horumarinta
Waa barnaamij ka kooban hawlo loo habeeyay shakhsiga iyo taageero, laguna daray inaad adigu si fir-fircoon u raadiso shaqo. Hadafku waa inaad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah uga baxdo shaqo la'aantaada.
Qofkee ka qayb-qaadan kara barnaamijkan?
Adigu waad ka qayb-qaadan kartaa damaanada shaqada iyo horumarka haddii aad bilaa shaqo ahayd wakhti dheer oo aad shaqo raadiye ahaan nooga diiwaan-gashantahay. Haddii aad tusaale ahaan ku sii socoto in lagaa saaro qasnada caymiska waa caadi in lagugu casuumo inaad ka qayb-qaadato barnaamijkan. Waxaa la mid ah haddii aad ka qayb-qaadatay qorshaha dagnaanshaha ama damaanada shaqo ee dhalinayrada xilli ah wakhtiga ugu badan, laakiin weli aad tahay bilaa shaqo si buuxda ama kala bar ahaan.
Tani ayaad samayn kartaa dhanka barnaamijkan
Adiga iyo shaqaale Xafiiska Shaqada ah ayaa qorshaynaya nooca hawlaha adiga sida ugu fiican kugu haboon si aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u hesho shaqo ama u bilowdo waxbarasho. Waa kuwan dhowr tusaale oo hawlahan ah:
- tababarka goob shaqo
- ku tababarashada shaqo
- baxnaaniska ku jiheysan nolosha shaqada
- waxbarasho ku jiheysan xirfad dhanka dugsiga dadka waaweyn
- waxbarashada suuqa shaqada
- taageero iyo talo-bixix haddii aad ka fikirayso inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah
Waxaanu wakhtigan oo dhan la soconaynaa sida wax kuugu socdaan oo ku siinaynaa taageerada aad u baahantahay.
Barnaamijkan wuxuu ka koobanyahay
Barnaamijkan caadi ahaan waa wakhti buuxa. Haddii aad fasax waalidnimo ku jirto wakhti kala bar ah, ama aanad shaqayn karin wakhti buuxa sababtoo ah xanuun ama hoos u dhac awooda laxaadka ah, waxaa jirta fursada ah in laga qayb-qaato barnaamijkan wakhti kala bar ah.
In laga qayb-qaato barnaamijkan dabcan maaha khasab, laakiin haddii aad ku jirto waa khasab inaad fir-fircoonaato oo raacdo qorshaha aynu ku heshiinay.
Magdhabka marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamijkan
Marka aad ka qayb-qaadanayso damaanada shaqo iyo horumarka waxaad magdhab ka heli kartaa Qasnada Caymiska. Marka aanu kaa diiwaan-gelino barnaamijkan waxaad magdhabka ka codsanaysaa Qasnada Caymiska. Si loo helo magdhabka waa muhiim inaad raacdo qorshaha aad nala samaysay anaga. Tani waxay tahay in lagaaga baahanyahay inaad ka qayb-qaadato hawlaha aynu ku heshiinay.
Taageerada hawsha iyo magdhawga horumarka
Codso magdhabid laga helo Qasnada Caymiska
Haddii aad xanuusato ama aad daryeelayso ilmo xanuusanaya
Haddii aad xanuusato ama u baahantahay inaad guriga joogto si aad u daryeesho ilmo xanuusanaya waxaa lagaaga baahanyahay noo soo sheegto.
Samee wargelinta maqnaanshahaaga marka aad xanuusanayso
Samee wargelinta maqnaanshahaaga ee daryeelka ilmo xanuusanaya
Samee wargelinta hawlaha
Bil kastaba waa inaad dhiibtaa warbixinta hawlaha Waa muhiim si aad u hesho taageero sax ah jidkii aad ku aadi lahayd shaqo ama waxbarasho iyo si aad lacagtaada uga hesho qasnada shaqo la'anta ama Qasnada Caymiska.