Barnaamijka meelaynta

Barnaamijka laqabsiga dalka (etableringsprogrammet) waa taageero uu qaabkeedu yahay hawlqabadyo iyo waxbarasho loogu talagalay soogelootiga cusub. Hadafku waa in aad sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah u barato afka Iswiidhishka, u hesho shaqo uguna fillaato masruufkaaga.

Waa maxay barnaamijkaa laqabsigu?

Barnaamijka laqabsigu wuxuu isugu jiraa waxqabadyo u qaabaysan qof qof iyo taageero oo lagu daray in aad adigu si firfircoon u raadsato shaqo. Hadafku waa in aad sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah u barato afka Iswiidhishka, u hesho shaqo uguna fillaato masruufkaaga.

Yaa loogu talagalay

Waxaad ka qaybqaadan kartaa barnaajika laqabsiga dalka, haddii aad buuxisay 20 jir balse aanad gaarin 66 jir isla markaana aad dhawaan ku heshay sharciga deggenaanshaha qaxooti ahaan, magangelyo doon ahaan ama aad qaraabo la tahay qof qaxooti ah ama qof magangelyo doon ah.

Sidan ayuu shaqeeyaa

Adiga iyo qof ka tirsan Xafiiska Shaqada, ayaa qorshaynaya waxqabadyada adiga kugu habboon si aad sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah ugu barato afka Iswiidhishka uguna hesho shaqo. Haddii aad u baahato turjumaan waxaad heli kartaa fursad ah taagero turjumaan. Waa kuwan dhawr tusaale oo ku saabsan waxqabadyadu:

  • Waxbarasho luqadeed oo loogu talagalay adigaaga aan Af Iswiidhishka u lahayn aqoon aasaasi ah, Af iswiidhishka Soogelootiga (sfi)
  • Waxbarasho ku saabsan barashada arrimabaha bulshada
  • Waxbarasho heerar kala duwan ah , haddii aad u baahan tahay horumarinta ama dhismaha aqoontaada
  • Baraagtiig (praktik)
  • Taageero qusaysa marka aad shaqo raadis tahay
  • Taageero iyo talabixin ku socota adigaaga ku fekeraya in aad bilawdo shirkad
  • Ansixin (validering)
  • Sannad degdeg ah (intensivår)

Marka aannu kula hadlayno, waxaa muhiim ah in aad ka warranto waayo-aragnimadaada xirfadeed, waxbarashada, Waxyaalaha aad xiisayso ama hiyigaaga. Sidoo kale waxaannu u baahannahay in aannu ogaanno haddii uu jiro wax saamaynaya fursadaha aad shaqo ku heli karto ama aad kaga qaybqaadan karto hawlqabadyada.

Waxaannu kugu guubaabin karnaa in aad wax barato.

Shaqabixiyeyaal badan ayaa baahi u qaba shaqaale laakiin waxaa ku adag in ay helaan dad leh waxbarasho ku habboon. Si aad uga shaqayn karto shaqooyinka jira, waxaad u baahan kartaa in aad waxbarasho gasho.

Haddii aanad lahayn waxbarasho u dhiganta heerka dugsiga sare ee Iswiidhan, oo ay noo soo baxdo in aad u baahan tahay waxbarasho, si aad shaqo u hesho, waxaannu kugu qiimayn karnaa in aad soo gelayso dadka laga rabo waxbarashada waajibka ah. Marka aad ka tirsan tahay dadka ay waajib ku tahay waxbarashadu, waxaad dalbanaysaa iskuulka waxbarashada dadka waaweyn (komvux) ee degmadaada ama koorso guud oo laga barto iskuulka dadweynaha olkhögskola).

Waxaannu kugu guubaabin karnaa in aaad wax barato, xitaa haddii aanad ka tirsanayn dadka ay waxbarashadu waajibka ku tahay. Markaa waxaa lagugu dhiirrin karaa in aad waxbarasho ka dalbato iskuulka dadka waaweyn, iskuulka dadweynaha (folkhögskola), iskuulka sare ee xirfadaha (yrkeshögskola), kulliyad ama jaamacad.

Marka aannu kugu guubaabinno in aad wax barato iyo waxbarashada waajibka ah.

Haddii aad qabto xanuun ama kala dhantaalnaan xagga laxaadka ah, waxaad heli kartaa taageero dheeraad ah

Haddii caafimaadkaaga ama laxaadkaaga kala dhantaalani saamaynayo kartidaada aad kaga qaybqaadan karto hawlqabadyada, waxaannu doonaynaa in aad noo sheegto. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan istaress, hurdo xumo ama xanuunno jirka ah. Markaa waxaynu (adiga iyo annagu) isla baaraynaa taageerada aad u baahantahay si aad uga qaybqaadan karto hawlqabadyada.

Taageerada loogu talagalay adigaaga uu laxaadkiisu kala dhantaalanyahay

Baaxadda Barnaamijka

Barnaamijku, caadi ahaan, waa wakhti buuxa. Haddii aad ku jirto fasax waalidnimo oo aan buuxin, ama aad shaqayso wakhti kala dhiman ama aanad ka qaybgeli karin wakhti buuxa sababtoo ah jirro ama laxaadka oo kala dhantaalan, waxaa jirta fursad aad barnaamijka kaga qaybqaadan karto wakhti aan buuxin.

Gunno iyo shuruudo

Marka aad taageeradan helayso, waa mark aad ka qaybqaadanayso barnaamij, waxaanad qasnadda caymiska (Försäkringskassan) ka dalban kartaa gunno. Halkan waxaannu kaga warbixinaynaa sida aad u dalbanayso gunnada iyo waxa loo baahanyahay marka aad ku qoran tahay Xafiiska Shaqada, (Arbetsförmedlingen) ee aad ka qaybgelayso mid ka mid ah barnaamijyadayada.

Marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij

Waxa adiga lagaa doonayo

In aad barnaamijkan qayb ka noqotaa, ma aha qasab laakiin haddii aad soo gasho waa qasab in aad si firfircoon uga qaybqaadato oo aad raacdo tubta qorshaha aynu ku heshiinno.

Hadafyada barnaamija waxaa ka mid ah in aad ku fillaato masruufkaaga. Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in aad ka qaybqaadato waxqabadyada aynu si wada jir ah u qorshayno. Waa in aad firfircoonaato oo aad shaqooyin raadsato haddii aynaan wax kale ku heshiin. Haddii laguu soo bandhigo shaqo, waxaa lagaa rabaa in aad aqbasho. Gunnada aad ka helayso Qasnadda caymiska, waxaa saamayn ku yeelan kara in aad raaci waydo qorshaha uu dejisan ama in aad ka qaybqaadan waydo hawlqabadyada ama aad aqbali waydo shaqo.

Waa in aad noo soo sheegto wixii isbeddel ah sida haddii aad shaqo bilawdo ama aad waxbarasho gasho.

Haddii aad jirrato ama aad hayso ilmo jirran

Haddii aad jirrato ama aad u baahan tahay in aad guriga la joogto ilmo jirran (vård av barn, VAB), waa in aad na soo wargeliso.

Soo sheeg maqnaanshaha, marka aad jirran tahay

Soo sheeg maqnaanshaha, marka aad hayso ilmo jirran

Ka soo warbixi hawlqabadyada

Bil kasta waa in aad soo dirto warbixinta hawlqabadyada. Taasi waa muhiim, si aad u hesho taageero sax ah inta aanad shaqo helin ama waxbarasho bilaabin iyo si aad gunno uga hesho Qasnadda caymiska.

Warbixinta hawlqabadka

Barnaamijka waad ku sii jiri kartaa

Waxaad ku sii jiri kartaa barnaamijka ilaa inta aad adigu:

  • Ka bilaabayso shaqo wakhti buuxda ah
  • Ka gelayso fasax waalid oo wakhti buuxa ah
  • ka jirranayso wakhti buuxa oo ka badan hal bil oo aan barnaamijka la waafajin karin.

Waxaad ka tirsanaan kartaa barnaamijka laqabsiga 24 bilood, marka la isku daro. Maskaxda ku hayn in aad barnaamijka ka tirsanaan karto muddo 36 bilood ah gudaheeda oo laga soo xisaabinayo wakhtigii aad heshay lambarkaaga aqoonsiga.

Waad heli kartaa fursad aad dib ugu soo laabato barnaamijka

Mar kale waad ku soo laaban kartaa barnaamijka, haddii aanay ka soo wareegin 36 bilood muddo ka badan, markii aad heshay lambarkaaga aqoonsiga.

Haddii Xafiiska Shaqadu joojiyo barnaamijkaaga

Xafiiska Shaqadu waa wuu kaala noqon karaa booskaaga barnaamijka, taas oo ka dhigan in la xirayo oo aanad xaq u sii lahayn in aad ka qayqaadato barnaamijka. Waad waayi kartaa xuquuqdaada ah in aad ka qaybqaadato barnaamijka, haddii aad si xun u dhaqanto ama aad hawlaha rabashto. Xitaa waxaa jira sababo khaas ah oo uu Xafiiska Shaqadu kula noqon karo barnaamijka tusaale ahaan haddii aanad karin ama aanad rabin in aad ka sii qaybqaadato barnaamijka. Sidoo kale waad waayi kartaa booskaaga haddii sharciga deggenaanshahaagu isbeddelo oo aanad ka tirsanayn dadkii loogu talagalay barnaamijka.

Marka barnaamijkaaga la joojiyo ka dib

Haddii barnaamijkaaga lagu joojiyo la noqosho, waxaa jiri karta fursad aad mar kale kaga qaybgeli karto barnaamijka. Balse taasi ma dhici karto haddii aad ka baxday dadkii loogu talagalay barnaamijka ama wakhtigii aad heshay lambarka aqoonsiga uu dhaafay 36 bilood.

Haddii barnaamijka lagula noqday sababaha kale midkood, wakhtigana kuu harsanyahay, waad ka qaybqaadaan kartaa mar labaad, 45 maalmood bilaa lacag ah (karensdagar), ka dib. Maalmahaasi waa maalmaha aad gunno heli lahayd haddii aad barnaamijka ku jiri lahayd. Markaa waxaad u baahan tahay in aad shaqeraadiye ahaan u diiwaangashanaato. Haddii aad doorato in aad ka baxdo Xafiiska Shaqada, waa in aad isqorto shaqe raadiye ahaan 60 maalmood gudahood.

Sidan ayaad ugu soo laabanaysaa barnaamijka

Barnaamijkaagu wuxuu bilaaban karaa, ugu horrayn maalinta aynu qorshe wada samayno. Waa in aad adigu la xiriirto Xafiiska shaqada.

Haddii lagaa masaxay diiwaanka Xafiiska Shaqada, waxaad u baahan tahay in aad dib isugu diiwaangeliso shaqo raadinaya ahaan, adiga oo adeegsanaya bogga Xafiiska Shaqada ama booqanaya Xafiiska dawladda ee adeegga bulshada.

Haddii aad ku sii qornaanayso Xafiiska Shaqada, waxaad u baahan tahay in aad naga soo wacdo 0771–416 416 ama soo booqato Xafiiska dawladda ee adeegga bulshada si aad noogu wargeliso in aad rabto ku soo noqoshada barnaamijka.

Adigu waad heli kartaa kaalmada dhinaca kharashyada safarka

Haddii aad ka qayb qaadato barnaamij ama baaritaan ka dhacaya meel kale oo aan ahayn halka aad ku degantahay waad heli kartaa kaalmada kharashyada safarka iyo hoyga.

Kaalmada kharashyada ee xilliga barnaamij ama wareysi shaqo