Lacagta meeleynta

Gunnada sal-dhigida [Etableringsersättning] waa lacag oo Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] ku siin karto markii aad ka qaybgalayso barnaamijka sal-dhigidda. Waxaad kaloo xaq u yeelan kartaa gunnado nooc kale ah.

Sidee ku dalban karaa lacagta meeleynta?

Kaddib markii aad isku qorto barnaamijka sal-dhigidda ayaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] ka dalban kartaa Gunnada sal-dhigida [Etableringsersättning]. Bil kasta bisha ku xigta ayaa codsan kartaa gunnada. Habka ugu fudud ee gunnada arjay loo qorto waa iyadoo la adeegsado barta internetka Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Isla barta ayaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida arjayga loo qorto ka aqrisan karta iyo sida lacagaha loo bixiyo.

Arjiga gunnada u qoro Khasnadda caymiska bulshada [forsakringskassan.se]

Maxaa loo baahanyahay si aan u ilaashado gunnada la-qabsiga?

Si aadan khatar ugu gelin inaad noqoto gunno la'aan, waxaa muhiim ah inaad ka adkaato shaqo raadintaada, aadna aqbasho fursadaha aad heleysid si aanad u dheereyn shaqo la'aantaada. Waxay taasi tusaale ahaan ka dhigantahay, inaad u baahan tahay inaad raacdo qorshaha aad nala leedahay, kana qeyb qaadatid kulammada iyo hawlaha kale ee aynu ku heshiinno. Haddii aad taageero ka hesho qandaraaslayaasheenna, waa inaad sidoo kale raacdo qorshaha aad isla sameysaan.

Waxaad u baahan tahay in aad firfircoonaato oo aad dalbato shaqooyin, haddii aanay wax kale ku qornayn qorshe hawleedkaaga. Sidoo kale waa in aad noo soo xarayso warbixinta hawlqabadka (aktivitetsrapport) bil kasta inta u dhaxaysa 1:da iyo 14:ka.

Waa muhiim inaad ogtahay dhammaan shuruudaha iyo sida ay u saameyn karto gunnadaada, haddii aad si xun u maamusho shaqo-raadintaada ama aad dheereyso shaqo la'aantaada.

Shuruudaha gunnadaada ee barnaamijka

Waxaad u baahantahay inaad na soo ogeysiisid haddii aad xanuunsato ama aad daryeeleyso ilmo xanuunsan oo aanad awoodin inaad ka qayb qaadato barnaamijkaaga. Haddii aad fasax u baahantahay, waa in aad marka hore annaga naga heshaa oggolaasho.

Haddii aad xanuunsato

Haddii aad daryeeleyso ilmo xanuunsan

Waa immisa lacagta la i siinayo?

Xilliga xaalad sahminta waxaa maalin kasta lagu siin doonaa 231 karoon. Kaddib markii xilliga xaalad sahminta u dhammaado, oo wadajir anaga ku heshiino qorshe waxaa maalin kasta lagu siin doonaa 308 karoon. Maalin kasta oo aad barnaamij sal-dhigidda ka qaybgasho waxaad darteed u dalban kartaa in lacag lagu siiyo. Waxaad kaloo xaq u yeelan kartaa lacago dheeraad ah oo kala duwan:

Haddii aad ka qeyb qaadatid barnaamijka saldhigashada (Barta intarneetka ee Qasnadda Ceymiska) (forsakringskassan.se)

Wixii lacago dheeraad ah

Waxaa dhici kara in lagu soo celiyo kharashka safarada iyo degganaanshaha haddii tusaale ahaan waxbarasho u tagto degmo aan ahayn midda aad deggan tahay. Annaga ayaad lacagtaan naga codsaneysaa. Annaga ayaa go’aamineynna lacagtaan oo kuu xisaabineynna inta aad xaqa u leedahay.

Su’aalo iyo jawaabo

Goorma ayaa lacagtaas la bixinayaa?

Försäkringskassan waxay lacagta bixisaa 26ka bil walba. Haddaba si ay Försäkringskassan uga gaarto inay lacagta soo dirto 26ka bisha waa codsigaagu soo gaaraa ugu dambayn 7da bil walba.

Maxaa dhacaya haddii aan xanuunsado?

Haddii aad xanuunsato waxaa muhiim ah inaad maalinta ugu koowaadba nagu soo wargeliso. Haddii kale waxaad waayi kartaa lacagta meeleynta maalmaha aad xanuunsanayd.

Haddii aad xanuunsato

Maxaa dhacaya haddii ilmuhu iga xanuunsado?

Haddii aad u baahato inaad guriga ku hayso ilmo kaa xanuunsan, waxaa muhiim ah inaad maalinta ugu horreysaba nagu soo wargeliso.

Haddii aad xanuunsato ama ilmo xanuunsan xannaaneyso

Ma shaqayn karaa aniga oo isla markaasba ka qaybqaata barnaamijka meeleynta oo qaata lacagta meeleynta?

Haa, waad shaqaysan kartaa markii aan ka qaybgelayo barnaamijka sal-dhigidda. Laakin lacagta Gunnada sal-dhigid way is-dhimaysa hadba mushaharka aad qaadan doonto. Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] ayaa xisaabintaas ku dhaqaaqdo.

Haddii aad ka qaybgasho barnaamij barta internetka ee Khasnadda caymiska bulshada [forsakringskassan.se]

Ma qaadan karaa lacagta waalidka aniga oo qaata lacagta meeleynta?

Haa, Lacagta waalidiinta [föräldrapenning] waad qaadan kartaa markii aad ka qaybgalayso barnaamijka sal-dhigidda. Laakin lacagta gunnada sal-dhigidda way is-dhimaysa hadba inta ay la eg tahay Lacagta waalidiinta [föräldrapenning]. Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] ayaa xisaabintaas ku dhaqaaqdo.

Haddii aad ka qaybgasho barnaamij barta internetka ee Khasnadda caymiska bulshada [forsakringskassan.se]

Yaa bixinaya kharashka gaadiidka aad ku aado Xafiiska shaqada?

Haddii qaxooti ahaan, magangeliyo-doone ama qof qaraabo ahaan ruqsadda degenaanshada [uppehållstillstånd] lagu siiyay, waa laga bixin karaa kharashka gaadiidka booqashada Xafiiska Shaqada. Waa mara ugu horeeyso ee aad xafiiska booqanayso.

Ballansashada gaadiidka waan ka caawini karnaa. Warbixin dheeraad awgeed noola soo xiriir.