Marka aad shaqo la’aan noqotid

Xiriirka aad la leedahay kartaa Xafiiska Shaqada u eekaan karaa siyaabo kala duwan taas oo ku xiran dhererkaa wakhtiga aad ahayd bilaa shaqo. Haddii isla iminkaba aad ogtahay inaad shaqo helayso 3 bilood gudaheed markaas ma nala yeelanaysid wada-hadalka qorsheynta. Markaasi waxa keliya oo aad isticmaalaysaa adeegyadayada dijitaalka ah.

Is diiwaan-geli

Waxaad Xafiiska Shaqada iska qoreysaa maalinta ugu horreysa ee shaqa la'aanta. Waxaad taas ku samaynaysaa barteenna intarneetka adigoo isticmaalaya aqoonsiga elektaroonigga ah. La xiriir a-kaasadaada oo ka dalbo gunno. Haddii aad a-kaasadaada iyo xubinnimadaada su’aalo ka qabto, toos ula xiriir a-kaasada.

Is diiwaan-geli

Wada-hadalka qorsheynta

Haddii aad horbaba ogtahay inaad 3 bilood gudahood billaabi doonto shaqo ama waxbarasho, nalama yeelan doontid wada hadal qorsheyneed. Adigaaga nala leh wada hadalka qorshaynta, waxaad wax badan ka ogaan doontaa waxa ay tahay inaad sameyso iyo waxa aad caawimaad u heli karto. Waa muhiim inaad si sugan ugu diyaargarowdo kulanka. Haddii aad leedahay naafaanimo, leedahay xaalado gaara ama aad la ildaran tahay caafimaad darro, waa muhiim inaad taas noo sheegto inta uu kulanku socdo. Markaas waxaannu ku siin karnaa nooc taageero iyo caawimaad ah oo sax ah. Inta uu kulanku socdo, waxaynu isla soo saareynaa qorshe kaa caawin doona shaqo ama waxbarasho.

Ka hor wada-hadalka qorsheynta

Mina sidor

Mina sidor waxay kaa caawinaysaa inaad kala socoto qorshahaaga. Adiga iyo xiriirye shaqada ah ayaa ku heshiinaya nooca hawlaha adiga kugu haboon. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan inaad ka qayb qaadato waxbarasho intarnatka ah, qorida CV-ga ama barashada iswiidhishka. Ka dib waxaa muhiim ah in adigu aad ka warhayso in qorshahan ahaado mid joogto ah oo aad samayso dadaal si aad u gaarto hadefyadaada.

Haddii isla iminkaba aad ogtahay inaad waxbarasho ama shaqo gelayso gudaha 3 bilood waxaad heli doontaa qorsheyn ootomaatig ah dhanka Mina sidor.

Mina sidor

Samee wargelinta hawlaha

Bil kastaba waa inaad dhiibtaa warbixinta hawlaha Waa muhiim si aad u hesho taageero sax ah jidkii aad ku aadi lahayd shaqo ama waxbarasho iyo si aad lacagtaada uga hesho qasnada shaqo la'anta ama Qasnada Caymiska. Adigu waa inaad soo gudbisaa wargelinta hawlahaaga ugu horeyn 1-da iyo ugu dambeyn 14-ka bil walba.

Samee wargelinta hawlaha

Na weydii

Haddii aad caawimaad u baahantahay waad na soo wici kartaa ama qoraal kula sheekaysan kartaa xiriiriyah shaqada. Adigu waxaad xitaa weydiin kartaa wixi ku saabsan barnaamij, waxbarasho iyo taageero kale. Qaabka ugu dhakhso badan ee aad nagula soo xiriiraysaa waa inaad qoraal nagula sheekaysato.

Ku sheekaysiga qoraal

Hel taageero dheeraad ah iyo in lagula socdo

Haddii aad muddo dheer shaqo la'aan ahayd, aad ka yar tahay 25 jir, aad dhawaan timid Iswiidhan ama aad naafo tahay, leedahay xaalado gaara ama aad la ildaran tahay caafimaad darro, waxaad heli kartaa taageero dheeraad ah adigoo ka qayb-galay barnaamij. La hadal shaqaalaha xafiiska shaqada oo qiimayn kara inaad baahi gaar ah qabto iyo in kale.

Taageero loogu tala galay adigaaga shaqo la’aanta ah

Iska saar diiwaanka

Waa muhiim inaad na soo wargeliso markaad hesho shaqo ama bilaabayso waxbarasho. Adigu waxad tan sida ugu fudud u samaynaysaa inaad dhag ka siiso Iska saar diiwaanka. Haddii aad dooratay inaad diiwaanka iska saarto gudaha 3 bilood waxaad heli doontaa xusuusin 10 maalmood ka hor maalinta ka bixida diiwaanka.

Iska saar diiwaanka