Sidan ayaa loo qiimeeyaa masaafada aad u jirto suuqa shaqada
Xafiiska Shaqadu wuxuu isticmaalaa taageero qiimeyn oo tirakoob si loo sameeyo waxa lagu magacaabo muuqaaleynta. Tani waxaa loola jeedaa si ootamaatik ah u isticmaalida macluumaadka shakhsiga ah si loo qiimeeyo sifooyinka shakhsiyan ee qof ahaan, gaar ahaan si loo darso ama loo saadaaliyo tusaale ahaan xaaladaada dhaqaale, waxyaabaha aad shakhsiyan doorbidid, xiisaha, dabeecada ama magaalada la joogo. Xafiiska Shaqadu wuxuu muuqaaleyntan u isticmaali doonaa in la qiimeeyo masaafada aad u jirto suuqa shaqada.
Ku dhisan macluumaadka diiwaankaaga
Muuqaaleyntan waxay ku dhisantahay macluumaadka diiwaankaaga iyo wixi macluumaad jiri kara ee kugu saabsan kuna jira nidaamkayaga. Xafiiska Shaqadu wuxuu xitaa macluumaad ka soo qaadan karaa hey’addaha dawladeed ee kale, tusaale ahaan Hey’adda Socdaalka. Macluumaadka gacanta lagu hayo waxaa ka mid ah wakhtiga la diiwaan gashanaa, waxbarashada, da’da iyo fursadaha ka jira magaalada aad degantahay.
Masaafada aad u jirto suuqa shaqada
Xafiiska Shaqadu wuxuu qiimeeyay in macluumaadkani ay khuseeyaan sidii loo qiimeyn lahaa masaafada aad u jirto suuqa shaqada. Tusaale ahaan wakhti la diiwaan gashanaa oo dheeraa wuxuu muujinayaa inaad aad uga fogtahay suuqa shaqada. Tani natiijadeedu waa in adiga shaqo raadiye ahaan lagugu meelaynayo mid ka mid ah qaybahan soo socda, kuwaas oo muujinaya nooca caawimaada adigu kuugu fiican.
Taageerada qiimeynta waxaa loo isticmaalaa laba ka mid ah Xafiiska Shaqada adeegyadeeda. Qalabaynta iyo ku hagaajinta halka haboon iyo Taageerida iyo ku hagaajinta halka haboon.
Haddii aanad ku noolayn mid ka mid ah degmooyinkaas markaas waxaa adiga ku khuseysa Taageerida iyo ku hagaajinta halka haboon.
Laba nooc oo kala duwan dhanka Taageerida iyo ku hagaajinta halka haboon
- Adiga oo lagugu qiimeeyay in baahi aad u yar aad u qabto taageero oo isku dabari kara caawimaada tusaale ahaan Xafiiska Shaqada adeegyadeeda dijitalka ah.
- Adiga oo laguu arko inaad u baahantahay dheeraad ah si aad u hesho shaqo ama u bilowdo waxbarasho.
Saddex qaybood oo kala duwan Qalabaynta iyo ku hagaajinta halka haboon
- Adiga waxaa lagugu qiimeeyay in ay yatahay baahida aad u qabto taageero oo aad isku dabari karto caawimaada tusaale ahaan Xafiiska Shaqada adeegyadiisa dijitaalka ah.
- Adiga waxaa laguu arkaa inaad u baahantahay taageero dheeraad ah si aad u hesho shaqo ama u bilowdo waxbarasho.
- Adiga waxaa laguu arkaa inaad u baahantahay taageero baahsan taas oo Xafiiska Shaqadu sii baari doono.
Taageerada adiga kugu fiican
Iyadoo aanay khuseyn qaybta lagugu meeleeyay waxaad adigu markastab la kulmi doontaa xiriiriyaha Xafiiska Shaqada. Xafiiska Shaqada ayaa sameynaya qiimeyn ku salaysan dhamaan macluumaadka aanu hayno ee kugu saabsan oo ka dib gaari doonta go’aanka ku saabsan taageero.
Muuqaaleyntan oo ay weheliso qaybta waxa keliya oo ay ahaan doontaa gogol-dhiga go’aanka ku saabsan taageero.
Macluumaadkaagu waa kuwa la ilaaliyay
Macluumaadka aad u dhiibto Xafiiska Shaqada waxaa khuseeya xog qarinta shaqada oo waxaa loo maareynayaa si waafaqsan nidaamka ilaalinta macluumaadka (GDPR). Macluumaadka kugu saabsan waa la masaxayaa ugu dambeyn saddex sanno ka dib marka laga joogo sannadkii maareynta macluumaadkan lagu dhamaystiray arintaada dhanka Xafiiska Shaqada. Macluumaadka shakhsiga ah ee si gaar ah loogu talogalay ujeedo tirakoob waxaa la masaxi doonaa tobban sano ka dib marka la dhamaystiray. Macluumaadkan waxa keliya oo gacanta ku hayn kara shaqaalaha loo oggolyahay oo waxaanu keydinaynaa ugu badnaan saddex sano.