Sida loo soo gudbiyo Hawlihii aad qabatay
Sidan ayuu u shaqeeyaa marka aad dooneyso inaad soo gudbiso warbixin ah hawlihii aad qabatay. Waxaadna ka heleysaa Bogga internetka iyadoo luqado Af.iswiidhish ah, ingiriisi, iyo af-carabi.
Sidan ayaad macluumaadkaaga u qoreysaa
Filinka waxaan tallaab-tallab ugu muujineynaa sida aad warbixintaada ugu soo gudbineysid bogga intarneetka.
Bedelo luqadda
Marka aad isticmaaleyso soo gudbinta warbixinta hawlahaad qabatay, waxaad bogga hore ka xulan kartaa luqadaha iyo waxad kaloo ka xulan kartaa bogga rapportii hore ee soo gudbisay. Waxaad kaloo ka xulan kartaa luqadaha, adiga oo gujinaya luqadaha.
Way wanaagsan tahay inaad ogaato:
- Haddii aad soo dejisato wargelinahaaga hawlaha oo ah pdf waxaa keliya oo lagu arkayaa Iswiidhish. Tani waxaa loogu talogalay si aad ugu isticmaali karto dhanka qasnadaada shaqo la’aanta iyo hey’adaha dawladeed ee kale ee Iswiidhan.
- Waxaanu aqbalaynaa oo keliya warbixinnada hawlihii aad qabatay oo af-iswiidhish ah.
Sidan ayuu u shaqeeyaa soo gudbinta warbixinta hawlihii aad qabatay
1. Riix/Guji halka ay ku taal ”Logga in”
2. Kala xulo sida aad u geli lahayd:
- Mobilt Bank-ID – oo taleefankaaga gacanta ka heli karto.
- Aqoonsi Banguga – oo aad kumbiyuutarkaaga ka heli karto.
- Telia – Aqoonsiga elektarooniga ee Telia.
- Freja e-id plus.
3. Riixi/Guji halka ay ku taal ”Till Aktivitetsrapporten”
4. Ku bilaw warbixinta hawlaha adoo buuxinaya macluumaadka haddii aad leedahay:
- Hawlaha khasabka ah iyo shaqooyinka aad soo jeedisay/doontay
- Hawlihii kale ee aad soo jeedisay (Haddii ay jiraan)
Riixi/Guji halka ay ku taal Klar markaad soo gubineyso oo xulo taariikh hawlihii aad qabatay.

5. Ku biiri haddii aad hawlo dheeraad ah iskaa u qabatay

Hawsha ka dooro liistadan. Buuxi macluumaadka lagu waydiiyay. Dhag ka sii Spara (kaydi),
Hawsha | Macluumaadka lagu waydiiyay |
---|---|
Raadsaday shaqooyin la xayaysiiyay | Taariikh, shaqo-bixiye, Shaqo noocee ah ayaad raadsatay, meesha |
Dhiibtay codsi inaan xiisaynayo/cv | Taariikh, shaqo-bixiye, Shaqo noocee ah ayaad raadsatay, meesha |
Waraysi shaqo | Taariikh, shaqo-bixiye, Shaqo noocee ah ayaad raadsatay, meesha |
Kulanka shaqooyinka lagu soo bandhigo | Taariikh, xirfad/qaybta |
Shaqeeyay | Taariikhdi bilowga, taariikhdi dhamaadka, intay leekayd*, shaqo-bixiye |
Waxbarasho ku jiray | Taariikhdi bilowga, taariikhdi dhamaadka, intay leekayd**, diyaariyaha waxbarashadan |
Ka qayb-qaatay hawlaha baxnaaninta | Taariikhdi bilowga, taariikhdi dhamaadka, sharax hawshaadan |
Hawl kale | Taariikhdi bilowga, taariikhdi dhamaadka, sharax hawshaadan |
* Baahsanaantu waxay ahaan kartaa wakhti buuxa, wakhti nus ah ama ku shaqayn calaa saacad
** Intay leekayd waxay ahaan kartaa wakhti buuxa, wakhti nus ah
6. Haddii warbixintu sax tahay, riix/guji halka ay ku taal ”Skicka in din aktivitetsrapport”

Soo Gudbi warbixin xattaa haddii aanad waxba qaban
Haddii aadan hayn wax warbixin ah, waxaad soo gudbin kartaa warbixinta mid banaan/faaruq ah. Laakiin maskaxda ku hay in ay saameyn karto magdhawgaaga khasnadda shaqa la'aanta ama khasnadda caymiska.
Si aad u soo gudbsi warbixin banaan/faaruq ah, riix/guji halka ay ku taal "Skicka in din aktivitetsrapport", oo eeg talaabada 6-aad. Waxaad heysataa fursad aad ku sheegto sababta ay faaruq warbixinta u tahay, oo riix markaa dabadeed halka ku taal dir warbixinta faaruq ah ”Skicka”.
