Xafiisyadayada

Xafiiska adeegga bulshada waxaad ka helaysaa caawimada arrimaha yaryar ee quseeya Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen). Uma baahnid in aad ballan sii qabsato si aad u booqato xafiiska adeegga bulshada. Arrimaha qaarkood, waxaad marmar u baahanaysaa wakhti la sii ballamiyey in aad noogu timaaddo. Sidaa darteed waxaannu degmooyin badan ku leennahay xafiisyo noo gaar ah iyo lookaallo kale oo aannu kugula kulmi karno.

Vänta, informationen laddas...

Waxyaalahan ayaad caawimo kaga heli kartaa xafiiska adeegga bulshada.

Xafiiska adeegga bulshadu waa wada shaqayn u dhaxaysa Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen), Hay'adda hawlgabka (Pensionsmyndigheten), Qasnadda Caymiska (Försäkringskassan), Wakaaladda Cashuuraha (Skatteverket), Wakaaladda socdaalka (Migrationsverket) iyo Xarunta adeegga bulshada ee dawladda (Statens servicecenter). Xafiiska adeegitaanka ee xarunta adeegga dawladda, waxaad ka helaysaa caawimo ah:

  • Isticmaalka agabyada dhijitaalka ah ee Xafiiska shaqada
  • Iska diiwaangelinta Xafiiska shaqada
  • Ka warbixinta hawlqabadyada
  • Buuxbuuxinta iyo daabicidda foomamka iyo caddaymaha
  • Helitaanka iyo fahmidda warbixinta qusaysa Xafiiska shaqada.

Adigaaga shaqadoonka ahi waxaad fursad u helaysaa in aad isticmaasho kombiyuutarrada si aad shaqo u raadsato una qorato dokumentiyada codsiga.

Adigaaga shaqabixiyaha ahi waxaad heli kartaa caawimo ah sida loo isticmaalo adeegyada dhijitaalka ah ee Xafiiska Shaqada iyo weliba in aad hesho warbixin guud.

Uma baahnid in aad wakhti ballansato si aad caawimo uga hesho xafiiska adeegga bulshada. Inta aadan booqan xafiiska adeegga, waxaa fiican in aad iska sii fiiriso wakhtiyada furnaanshaha, maadaama oo dhakhso loo bedbeddeli karo. Xasuusnow in aad soo qaadato kaarkaaga aqoonsiga marka aad soo booqanayso xafiiska adeegga bulshada.

Taageero xagga shaqa-raadinta ah ka hel xafiis adeegitaan

filin
/

1 daqiiqad 58 ilbiriqsiyo

Filinka dhexdiisa wuxuu gacanhaye-adeeg oo ka tirsan xarunta adeegga dawladdu (Statens servicecenter) ka sheekaynayaa caawimada aad ka heli karto xafiis adeegitaan.

Haddii aad warqad u dirayso xafiis

Marka aad warqad u dirayso xafiis ka mid ah kuwayaga, waxaad adeegsan doontaa ciwaanka hoos ku qoran, haddii aan wax kale la sheegin. Qofka ay warqaddu ku socoto, ayaa lagu dulqorayaa galka, laakiin waa in lagu qoro Arbetsförmedlingen hoostiisa. Qasab ma aha in lagu dulqoro loo dire.

Arbetsförmedlingen
(Halkan ku qor magaca loo diraha)
FE 8xxx (xxx waxaa lagu beddelayaa lambarka FE ee u gaarka ah xafiiska ee aad arkayso marka aad xafiiska ka raadinayso bogga kan)
107 67 Stockholm

Waa muhiim in la ogaado

Haddii aad magaca loo diraha ku dulqorto magaca Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen), waxay warqaddu ku hakanaysaa xarunta Postnord ee Stockholm, waxaanay halis ugu jirtaa in ay imanba waydo.

Laamaha aannu ka bixinno aqoon takhasus ku salaysan

Waxaannu haynaa talabixin dheeraad ah marka aad shaqo ka raadinayso xagga dhaqanka, warbaahinta iyo gaadiidka badda.

Xafiis Shaqo oo gaar ah (Iswiidhish iyo Ingiriisi)