Validering

Ansaxin waxay ka dhigantahay in kartidaada aqoon- iyo khibradeed laguu qiimeynayo. Waxay taasi khuseysaa aqoonta aad waxbarasho ku kasbatay, tan aad suuqa shaqada ka kasbatay iyo tan nolol maalmeedka.

Waa maxay

Validering waa qiimeyn nidaamsan iyo qiimeyn ku aaddan aqoontaada iyo khibradahaaga. Waxay taasi khuseysaa aqoonta aad waxbarasho ku kasbatay, iyo xitaa tan aad suuqa shaqada ka kasbatay iyo tan nolol maalmeedka. Aqoontaada xirfadeed waa la qiimeynayaa iyadoo la adeegsanayo imtixaan wax qabasho ah iyo mid akhris ah. Ka dib marka la qiimeeyo waxaa lagu siinayaa caddeyn ama shahaaddo ka dhigeysa aqoontaada mid rasmi ahaan laga aqoonsanyahay suuqa shaqada ee swiidhishka. Waxaad sidoo kale heli kartaa talooyin ku aaddan waxa aad u baahantihid in aad kartidaada aqoon-iyo khibradeed ku dhameystirtid. Waxay taasi ka dhignaan kartaa in aad si degdeg ah u sii dalban kartid waxbarasho ama shaqo.

Qiimeyn waxay qaadan kartaa inta u dhexeysa dhawr maalmood ilaa iyo dhawr usbuuc.

Waa maxay ansixinta?

filin
/

3 daqiiqado 22 ilbiriqsiyo

Filimku wuxuu ka sheekaynaya ansixinta iyo sida ula socon karto/faa `iidaysan karto. (Waa af-iswiidish oo keliya.)

Yaa loogu tala galay

Qiimeynta waxaa loogu tala galay adigaaga u baahan in kartidaada aqoon-iyo khibradeed iyo aqoontiinna si rasmi ah la idiinkugu aqoonsado. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaa xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:

  • Waxaad buuxisay 25 sano ama waxaad tahay naafo.
  • Waxaad buuxisay18 sano, sababo gaar ah awgoodna aadbaad uga fogtahay suuqa shaqada.
  • Waxaad haysataa shahaaddo iyo caddeymo dibadda ah oo aan suuqa shaqada ee swiidhishka laga aqoonsaneyn.
  • Waxaad leedahay karti aqoon-iyo khibradeed oo aan ku imaan waxbarasho caadi ah, ee tusaale ahaan aad kasbatay xilliga firaaqada, ama aad ka kasbatay shaqo samafal ah ama hawlo hobbi la xiriira.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Si wadajir ah ayaan adiga sawir kaagala qaadaneynaa khibradahaagi hore. Iyadoo taas laga duulayo ayaa qiimeyn ku sameyneynaa in ansaxini ay habboontahay. Qiimeynta waxaa sameyneysa cid xirfadaha qiimeysa oo u shaqeysa qandaraasle heshiis nagula jira oo aad adiga naftirkaagu dooraneysid. Waxaad sida ugu fudud ugu dooran kartaa bogga kan intarneetka. Marka aad dooratid waxaan kuu qabaneynaa booska ugu horreeya ee bannaan.

  • Waa in aad muujisaa aqoontaada xirfadeed ee ku aaddan xirfad gaar ah. Qiimeeyaha ayaa go’aanka gaaraya in aad buuxineysid shuruudaha aqoonta, haddii ay sidaas tahayna ku siinaya caddeyn, shahaaddo ama certifikat. Taas waxaad dabadeed u isticmaali kartaa shaqo raadiskaaga ama haddii aad rabtid in aad gashid waxbarasho dhameystir ah.
  • Haddii aadan buuxineynin dhammaan shuruudaha waxaa lagu siinayaa faallo iyo caddeyn ku aaddan waxa aad buuxineysid. Waxaad sidoo kale heli kartaa talooyin ku aaddan waxa aad u baahan kartid in aad tusaale ahaan waxbarasho ku dhameystirtid.
  • Si wadajir ah ayaad noola sameyneysaa qorshe cusub oo ku aaddan tallaabta xigta.

Waddooyin kale oo aad ku heli kartid qiimeyn ku aaddan kartidaada aqoon- iyo khibradeed

Waxaa jiri kara qaabab kale oo aad ku heli kartid in laguu qiimeeyo kartidaada aqoon- iyo khibradeed, laakin annagoon ku caawin. Haddii aad tusaale ahaan waxbarasho ku dhameysatay waddan kale oo aan Swiidhan ahayn waxaad heli kartaa faallo tilmaameysa waxa waxbarashadaadu nidaamka waxbarashada swiidhishka ay u dhiganto. Waa Universitets- och högskolerådet cidda qiimeynta sameyneysa.

UHR - Bedömning av utländsk utbildning

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.